Koox hubeysan oo Muqdisho ku dishay Taliyaha Saldhigga Booliska Warta Nabada

Kooxo hubeysan, ayaa saaka magaalada Muqdisho waxa ay ku dishay Taliyihii Saldhigga Booliska degmada Warta Nabadda Macalin Daahir Xuseen Afrax.

Dilka, waxa uu si gaar ah uga dhacay Xaafada Xamar Bile, gaar ahaa Nawaaxiga Saldhigga, Dabley hubeysan ayaa la sheegay iney rasaas la dhacday Taliyaha xili uu watay gaari Nuuca raaxada ah.

“Inaa lilaahi waa inaa ilahay rajicuun, Alle ha unaxariisto.mcalin dahir taliyihii saldhigga police ee degmada warta nabadda oo gacan ka xaqdaran ay ku dishay nawaaxiga saldhigga. Samir iman alle hanaga siiyo” ayuu bartiisa Facebook ku soo qoray Xoghayaha degmada.

Ragga weerarka geystay, ayaa durbadiiba goobta ka baxsaday, waxaana meydka Marxuumka la geeyay xarunta danbi baarista ee C.I.D, halkaas oo Sawirran looga qaaday si loo baaro.

Ciidamada amaanka, ayaa ku baxay halka uu dilku ka dhacay, iyagoo sameeyay baaritaano la xiriirta soo qabashada Raggii dilka geystay, lama soo sheegin cid ay gacanta ku soo dhigeen.

Mustaqbal media

Read Previous

Danjire Abuukar Baalle: ma aha in xubno argagixiso ah la difaaco oo laga dhigo mid aan waxba galabsan.

Read Next

Taariikhda: 4ta musharax ee maanta u tartameysa Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.