Hoggaanka AMISOM oo dhaawacyada Askartooda ku booqday Isbitaallada Nairobi,Sawirro

Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya waxaa booqasho ku tagay madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Amb. Madeira iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka AMISOM Gen. Jim Owoyesigire.

Mas’uuliyiintan ayaa Nairobi u tagay si ay ula socdaan xaaladda dhaawacyada Askarta AMISOM ee ku jira Isbitaallo kala duwan oo ku yaalla Nairobi.

Madeira, ayaa Askarta dhaawaca ah u rajeeyay in ay caafimaad deg deg ah helaan,waxaana uu ku bogaadiyay sida ay naf hurnimada ugu sameeyeen nabadeynta Afrika.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada AMISOM ay Soomaaliya ka taageerayaan amaanka islamarkaana ay sii wadayaan howlgalkooda inta ay Soomaaliya ka gaareyso isku filnaansho dhinaca amaanka ah.

Ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya ayaa inta badan dhaawacyadooda la geeyaa Isbitaallada AMISOM ee Xerada Xalane,halka kuwa dhaawacooda adagyahayna badankood la geeyo Kampaala,Nairobi iyo meelo kale.

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

Mustaqbal media

Read Previous

The United States at War in Somalia

Read Next

Tigreeda Itoobiya oo danjiraha Mareykanka ee Somaliya ku eedeysay in uu door ku lahaa magacaabistii Abiye.