Jurgen Klopp oo ku dhaw in ganaax garka loo suro, Sabab?

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa laga yaabaa in uu la kulmo ganaax kadib qalad uu galay kulankii Everton.

Klopp ayaa dacwad lagu soo oogay iyada oo uu sabab u yahay dabaal-degii uu sameeyay kadib goolkii guusha ee ay Liverppl wakhtiga dambe ka dhalisay kooxda Everton.

Klopp ayaa orod isa sii daayay kadib goolkii Divock Origi dhaliyay isaga oo garoonka u galay si uu ula dabaal dego goolhayaha Liverpool ee Alisson.

Guushii 1-0 ahayd ee ay Liverpool ka gaartay kooxda Everton ayaa ka caawiyay in ay 2 dhibcood ka dhigto dhibacaha ay ka dambayso kooxda difaacanaysa horyaalka ee Man City.

Klopp oo lagu eedeeyay dhaqanxumo ayaa haysta ilaa 6 galabnimo ee maalinta khamiista si uu uga jawaabo eedeymaha loo soo jediyay.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Joint Forces conducted an operation on Al-shabab Strong hold village in Somalia

Read Next

Leroy Sane iyo David Silva oo hogaaminaya laacibiinta u tar-tamaya xidiga bisha ee Premier League-ga.