Maxay Soomaaliya uga dhigan tahay in uu Turkiga ka caawiyo Dhismaha Ciidanka Badda?

Dowladda Turkiga ayaa qaadday tallaabo lagu xoojinayo dib u xoojinta Ciidanka Badda Soomaaliya kuwaas oo la howlgallaya Ciidamada Dalkaas ee jooga Biyaha Dalka sida ay ku warrameen saraakiil ka kala tirsan Muqdisho iyo Ankara.

Turkiga ayaa horay u tababaray Ciidamada Booliiska gaarka ah ee Haramcad iyo kumaandooska Gorgor kuwaas oo ay Ankara siisay hubka, Gaadiidka iyo waxyaabaha kale ay u baaham yihiin inay kusii xoojiyaan awooddooda.

Waxaa intaas dheer in uu tababar gaar ah siiyay duuliyeyaal Soomaaliyeed oo gacanta ku haya qaar kamid ah Diyaaradaha Dagaalka Dalkaas si ay u xoojiyaan Ciidamada kale ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya heshiisyo kala duwan kuwaas oo qaarkood hoostagaya arrimaha Amniga sida tababarka Ciidanka, qalabayntooda, la shaqaynta iyo ilaalinta nabadgalyada Dhulka iyo Badda.

Taliyaha Ciidamada Turkiga iyo saraakiil kale ayaa saacadihii lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho kula kulmay Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay kawada hadleen xoojinta iskaashiga labada dhinac.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Soomaaliya & Mareykanka oo iska kaashanaya Ciidan cusub oo lagu tababarayo Ballidoogle

Read Next

Hay’adda WHO “Cabista Sigaarka waa halis ka dhan ah Taranka Dadka”