Netanyahu oo Cirro u sheegay in ay Qudhooda ay raadinayaan in Qudus loo aqoonsado

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu oo la kulmay Hoggaamiyaha Maamulka Waqooyi Galbeed, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa u sheegay in sida maamulkiisa uu u raadiyo aqoonsi ay iyanna Qudus ugu raadinayaan in loo aqoonsado.

Benjamin Netanyahu ayaa shirkiisa jaraa’id ku dhex sheegay isaga oo dhinac taagan Hoggaamiyaha Maamulka Waqooyi Galbeed, Cabdiraxmaan Cirro in Israa’iil ay raadinayso in loo aqoonsado Magaalada Qudus.

“Sida ay Somaliland u raadinayso in la aqoonsado ayaa sidaas oo kale u raadinaynaa in naloo aqoonsado Qudus” Sidaasi waxaa yiri Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu oo shir jaraa’id ku dhinac qabtay Hoggaamiye Cirro

Israa’iil ayaa dalal badan oo Caalamka ka waysay in ay ku garab istaagaan sidii Magaalada Barakaysan ee Qudus ee xoogga ay ku haysato loogu aqoonsan lahaa, Dalalka qaar ee heshiiska la galay ayaa diiday in ay safaarad ka furtaan Magaaladaas.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

MSF oo qiratay in qaar kamid ah Shaqaalaheeda jooga Chad lagu eedeeyay in ay kufsadeen Qaxooti u dhashay Suudaan

Read Next

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed oo Muqdisho soo gaaray