DFS oo markii ugu horreysay shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii ay la gashay mucaaradka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay faahfaahin ka bixisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii ay la gashay ciidamo ay wateen Madaxweynihii 7aad ee Dalka, Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Khayre.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa war ay soosaartay ku sheegtay in dagaalkaas uu ku dhintay hal qof halka dhaawacana uu yahay 55 kale iyada oo tacsi u dirtay ehelka dadka dhibaatada kasoo gaartay iska hor imaadkaas.

Xogtaan waxa ay ka duwan tahay Warbixintii dhowaan kasoo baxday Qaramada Midoobay ee lagu sheegay khasaaraha dhimashada, dhaawaca iyo dadka ka barakacay dagaalladii ka dhacay Muqdisho ee u dhaxeeyay Dowladda & xubno katirsan Mucaaradka.

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in dadka dhintay ay gaarayaan 13 qof halka dhaawaca ay ku sheegtay ku dhawaad 200, waxaana intaasi dheer in ay ku barakaceen dad ku dhaw 13 kun oo degenaa Degmooyinka colaaddu saamaysay.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Cyril Ramaphosa: Waxa aan raadinaynaa xalka sida looga hortagi karo rabshadaha ka dhanka ah Soogalootiga

Read Next

Booliiska Soomaaliya oo Dadkii ka guuray Degmada Cabdicasiis faray in ay dib ugu laabtaan lana furo Goobaha Ganacsiga