Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay
Magaalada Baydhabo waxaa kusii qulqulaya saraakiisha ciidamada Dowladda Federaalka ee deegaan doorashadoodu tahay Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed si ay kaalintooda uga qaataan xoojinta amniga Magaaladaas lagu qabanayo doorashada Maamulkaas.
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa Magaalada Baydhabo ka dhacay shirar looga hadlay adkaynta Nabadgalyada Magaaladaas iyada oo mas’uuliyadda sugidda Amniga loo kala saaray ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Booliiska ah sida ay ku warrameen ilo kala duwan.
Kaaliyaha Taliska Xoogga Dalka, Janaraal Maadey Nuurey Sheekh ayaa tagay Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, waxaana lagu wadaa in uu qayb ka noqdo kulamada socda.
Ciidamo isugu jira qaybta 60aad, Kumaandooska Gorgor iyo kuwo Booliis ah ayaa ka howlgallaya Magaalada Baydhabo, waxaa la kordhiyay goobaha hubinta Gaadiidka ee Gudaha Magaaladaas iyo bannaankeeda.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
