Ciidanka AMISOM oo askari ka tirsan Jubaland ku dilay Kismaayo.

Ciidanka Kenya eek u jira Howlgalka AMISOM ayaa askari ka tirsanaa Ciidanka Maamulka Jubaland ku dilay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose.

Askarigan oo ku sugnaa Xero Ciidan ayaa waxaa jiiray Gaari ka mid ah kuwa Ciidanka AMISOM eeKenya uu jiiray.

Dadka degaanka ayaa sheegay in Ciidanka Kenya ee Askariga Gaariga jiirsiiyay ay si kas ah u yeeleen,laakiin  Maamulka Jubaland ayaa beeniyay in ay arrintaas ku talagal ahayd.

Mukhtaar Cabdi Maxamed  Oo ah Sarkaal u hadlay Maamulka Jubaland ayaa sheegay in Maamulka uu kala xisaabtamayo Ciidamada Kenya ee jooga Kismaayo.

Shilalka ay dadka Soomaalida ah ku dilayaan Ciidamada AMISOM ayaa ku soo badanaya dalka iyada oo todobaadkan 4 qof ay Ciidanka Kenya ku dileen xaafadda Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho.

Mustaqbal media

Read Previous

Madaxweyne Farmaajo oo Qaabilay Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Turkiga

Read Next

Kalluumeysatada Caalamiga ah oo looga digay biyaha Soomaaliya