Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay
Aas aasihii Ururka Daalibaan Mowlaanaa Saami Al Xaq ayaa lagu dilay Magaalada Rawalbindi ee dalka Pakistan shalay gelinkii dambe.
Ninkan oo 80 jir ahaa islamarkaana sariir fuul ahaa ayaa lagu dilay Gurigiisa,markii dad aan wali la garan ay Middi ku dileen.
Sida uu xaqiijiyay wiil uu dhalay oo la hadlay Warbaahinta Gudaha,waardiyihii Saami Al Xaq ayaa 15 daqiiqo ka maqnaa,Odayga ayaa ka xanuunsanayay Wadnaha.
Waxaa uu ahaa aragtidii ka dambeysay dhaq dhaqaaqa Daalibaan ee dalalka Afghahanistan iyo Pakistan,waxaana uu markii hore u sameeyay si ay ula dagaallamaan Midowgii Soviet,markii dambana waxaa uu oggolaaday in ay la dagaallamaan Mareykanka oo mar hore taageeri jiray.
Mowlaana Saami Al Xaq,waxaa uu leeyahay xisbi siyaasadeed iyo Xarun Waxbarasho oo ay ka soo baxeen hoggaankii ugu sarreeyay Ururka ee kala ahaa Mullah Maxamed Cumar iyo Mullah Akhtar Mansuur.
Inkasta oo ahaa hoggaamiye mayal adag,aragti fog,haddana xisbigiisa waxaa uu u tartamay doorashadii July ka dhacday dalkaas.
Ra’isalwasaaraha Pakistan oo ku maqan dalka China ayaa ka tacsiyeeyay geerida Saami Al Xaq,waxaana uu ku tilmaamay Halyeey Diinta iyo Siyaasadda ah oo ka baxay Pakistan.
Waxaa uu dhowr jeer gaar ahaanna intii u dhaxeysay 1980 ilaa 2009kii ka mid ahaa xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka Pakistan, Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay dilka Mowlaanaa Saami Al Xaq.
