Qaraxyo culus oo ka dhacay Caasimadda Venezuela ee Caracas

Ugu yaraan 7 qarax oo aad u culus ayaa laga maqlay Magaalada Caracas ee caasimadda u ah Dalka Venezuela iyada oo ay dadku hurdada kasoo salaleen maadaama jugtaas kaddib ay maqleen guuxa diyaarado dhawaqoodu sarreeyo.

Warbaahinta gudaha iyo tan Dibadda ayaa baahisay in goobo kala duwan la beegsaday, waxaa heegan la geliyay ciidamada ammaanka Dalkaas si ay jawaab uga bixiyaan duullaanka lagu soo qaaday dalkooda sida hadalka loo dhigay.

Goobaha la weeray intooda badan waa xeryo ciidan oo ku yaalla meelo u dhow Caasimadda, waxaa tagtay korontada iyada oo la joojiyay isu socodka Dadka iyo Gaadiidka si loo ogaado xogta guud ee qaraxyadaas.

Muuqaal kooban oo la baahiyay waxaa ka muuqday Mooto Fekon iyo Gaari lagu celinayo afaafka hore ee goobaha lagu hubiyo Gawaarida galaysa Madaxtooyada Dalkaas, ujeedka waa in xaaladda soo korortay ay cabsi abuurtay.

Venezuela ayaa Dowladda Maraykanka ku eedeysay in ay ka dambaysay weerarkaan oo ay ku beegsatay Dad rayid ah iyo xarumo ay leeyihiin ciidamada, waxaana intaas dheer in la beegsaday goobo ilaa haatan aan xogtooda lasoo gudbin waxa lagu qabanayay.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Sheekh Maxamed Weli “MW Cirro waxa aan u sheegnay in heshiiska uu Israa’iil la galay uu si cad uga hor imaanayo Diinta”

Read Next

Xildhibaanno katirsan Golaha Wakiillada Somaliland oo si adag uga hadlay Dad lagu xiray Awdal