DF Soomaaliya oo war ka soo saartay howlgal ka dhacay gobolka Shabeellada Dhexe

Militeriga Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka dhan ah AS ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ka dhacay deegaanka Jabad Godane ee hoostaga Xawaadley, gobolka Shabeelle Dhexe.

Bayaanka ayaa lagu xusay in howgalka lagu dilay 15 xubnood oo ka tirsan AS, kuwaasi oo ay qeyb ka yihiin saraakiil.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeed

May be an illustration of map and text

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Duullimaadka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo loo hakinayo Doorashada ka dhacaysa Muqdisho

Read Next

Turkiga oo Soomaaliya ka hirgaliyay Saldhig ay ka degaan diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo Drones.