Dowladda Ingiriiska oo xal u raadinaysa Tahriibayaasha uga soo gudbaya Faransiiska

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Sir Keir Starmer ayaa sheegay in dowladdiisa ay xal waara u raadinayso xakamaynta tahriibayaasha uga soo gudba biyaha ay wadaagaan Faransiiska kaddib markii ay kordheen dadka halkaas kasoo gudbaya.

UK ayaa horay u qaadday tallaabooyin badan oo u muuqda in lagu guuldaraystay waxaana kamid ah in Ciidamo aad u badan isla markaana wata doomo iyo hub culus la geeyay xadka balse ay xakamayn waayeen dadkaas.

Qorshaha kale waa in xitaa dib ay Faransiiska ugu celiyeen tahriibayaal inkasta oo markii dambe ay kusoo laabteen Dalka Ingiriiska, taasi waxa aya buurtay culays Dowladda ku qasbaya in ay qaaddo tallaabooyin kale oo dadkaan lagu xadidayo.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa isku daygii ugu dambeeyay ay sameysay ahaa inay la heshiiso dalal dhaca Qaaradda Afrika sida Rwanda oo ay ku qancisay in ay xeryo gaar ah u sameeyaan dadka afrikaanka ah oo laga soo celiyo dalkaas, culays badan ayaa lagu saaray London.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Trump oo jawaab uusan ku qancin kala kulmay MW Soomaaliya oo uu ku dacweeyay Ilhaan Cumar

Read Next

William Ruto “Xalka Colaadda Suudaan waa in ay wada hadlaan Dowladda & RSF”