MW DG Galmudug oo shaaciyey gole ka kooban 23 Wasiir!

madaxweynaha DG Galmudug ayaa shaaciyey golihiisa Wasiirada oo ka kooban 23 Wasiir, waxa kamid ah 2 xildhibaan oo kamid ahaa xildhibaanada Galmudug ku metela Baarlamaanka Federaalka.


Xildh: Axmed Macalin Fiqi, taliyihii hore ee Nabadsugidda Soomaaliya ayaa noqday Wasiirka Amniga gudaha halka xildh: Saabir Nuur Shuuriye loo magacaabay Wasiirka Dekedaha & Kalluumeysiga, labaduba waxa ay Baarlamaanka 10aad soo galeen 2016, waxaan alagu tiriyaa in ay kamid yihiin mucaaradka xukuumadda Nabad & Nolol

Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Kaariye ayay muddo dheer ku qaadatay soosaaridda Liiska golihiisa Wasiirada iyada oo ay munaasabaddii caleemasaarkiisu u hakatay COVID19

Mustaqbal

General Editor

Read Previous

Is badal doonka Jubbaland iyo Axmed Madoobe oo heshiis gaaray.

Read Next

Maxay kawada hadleen Madaxda Soomaaliya, Jabuuti iyo Qadar?