Safiirkii hore ee Turkiga oo sheegay in ay Soomaaliya keenayaan Maraakiib Kalluumeysi
Kulankan oo ay kaqaybgaleen madaxda Ururada saxaafadda ee SOMA, NUSOJ, SWJ & FESOJ waxa uu kusaabsanaa Xeerka Warbaahinta Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ay ururada Warbaahintu muujiyeen in uu u baahan yahay tifaftir iyo qaabeyn kusaabsan nuxurka, Afka iyo sida uu u dhigayo ama u xeerinayo arrimaha la xiriira dembiyada iyo nuuca maxkamadaha qaadaya ama quseeya in ay galaan gar-maqalka doodaha iyo eedaha la xiriira Warbaahinta.
Xubnaha ku metelayey kulankan ururada SOMA, NUSOJ, SWJ & FESOJ ayaa soo jeediyey sida ay uga welwelsan yihiin qodobbo kamid ah Xeerka Warbaahinta kaas oo la horgeeyey Baarlamaanka iyada oo aan lagu darin inta badan talooyinkii iyo doodihii Warbaahinta ee ku wajahnaa wax-kabeddelka xeerka saxaafadda.

Waxa ay xubnihii ka hadlay kulanku muujiyeen qodobada waaweyn ee saameynta xun ku yeelan doona howlgalka Warbaahinta madaxa-bannaan haddii madaxweynuhu saxiixo xeerkan, sidaas awgeed waxa ay ka codsadeen madaxweynaha in uusan saxiixin Sharciga Waxkabeddelka Xeerka Warbaahinta iyada oo aan dib u habayn lagu sameyn 8 qoodob oo waaweyn, kuwaas oo u baahan in si dhaqsi ah wax looga beddelo kahor inta aan madaxweynuhu saxiixin, qodobada aya kala ah 8aad, 9aad, 10aad, 14aad, 16aad, 18aad, 21aad & 25aad oo dhammaantood taabanaya arrimo muhiim ah hayeeshee u dhigaya hab ay ka muuqato kana dhadhameyso keligi-talisnimo, xoog iyo Caro kadhan ah Warbaahinta madaxa-bannaan.
Madaxweyne Farmaajo oo soo dhoweeyey xubnaha ka socday Ururarada warbaahinta ayaa sheegay in uu xoogga saarayo intii karaankiis ah in Sharciga Waxkabeddelka Xeerka Warbaahintu noqdo mid u daneeya maslaxadda Warbaahinta madaxa-bannaan iyo Waddankaba, isaga oo sheegay in uu si dhab ah u tixgelinayo soo jeedinta madaxda Ururada saxaafadda
Waxa uu xusay sida ay lama huraan u tahay in danaha iyo masaalixda Waddanka si wadajir ah loo dhowro loogana wada qaybqaato isaga oo madaxda Ururada warbaahinta u soo jeediyey in ay kaalintooda horumarinta waddanka qaataan.
Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa kasheegay kulanka sida uu ugu faraxsan yahay in madaxda ururada saxaafaddu helaan fursad ay madaxweynaha ula wadaagaan sida ay u arkaan Sharciga Waxkabeddelka Xeerka Warbaahinta iyo waxa ay daneynayaan in Sharcigu xeeriyo kahor inta aan madaxweynuhu saxiixin.
Golaha shacabka ee Baarlamaanka ayaa ansixiyey xeerka saxaafadda July-2019 iyada oo Aqalka sare ee Baarlamanakuna meelmariyey Jan-2020, xeerka saxaafadda ayaa hadda sugaya saxiixa madaxweynaha.
SHARCIGA WAX-KA-BEDELKA XEERKA WARBAAHINTA
Mustaqbal
