Dad ka soo Cararay dagaalada Caad oo gaaray Magaalada Hobyo.

Gudoomiyaha Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug C/llaahi Axmed Cali Faat, Waxa uu faahaahiyay wararkii udanbeeyay ee dagaaladii maalmahan ka socday Gobolka Mudug.

Dagaalkan oo udhexeeya Shabaab iyo Maleeshiyaad dadka deegaanka ah ayaa ka socda Deegaanka Caad oo 50KM Koofur ka xiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, Dagaalka ayaa dhowr jeer sababay in la isku bedelo Maamulida deegaanka Caad, iyadoo gurmad kala duwan ay helayaan dhinacyada diriraya.

Gudoomiye Faat ayaa sheegaya in dagaalka uu udhexeeyo dad usoo duulay iney xoolaha Shacabka qaataan iyo Shacabkii oo arintaas ka godooday oo xoolohooda ilaashanaya.

Dowladda Dhexe iyo Galmudug ayuu ugu baaqay iney door firfricoon ka ciyaaraan dagaalada ka socda Koofurta Gobolka Mudug, isagoo tilmaamay in gargaar dhinacyo kala duwan leh ay xiligan ubaahanyihiin Shacabka dagaalamaya, Khasaaraha ka dhashay dagaalka ayuu ku sheegay in Shabaab laga dilay dad ka abdan 20, Halka dadka deegaankana laga dilay 5 Ruux oo uu ku jiro oday Da’ ahaa.

Gudoomiyaha Magaalada Dekeda leh ee Hobyo C/llaahi Faat, ayaa dhinaca kale sheegay in dad ka soo cararay dagaalada socda ay soo gaareen Duleedyada Hobyo kuwaasoo xiligan ubaahan gargaar dhinacyo kala duwan.

General Editor

Read Previous

RW Kheyre oo tababar u soo xiray Guutada 14-ka October ee ciidanka xoogga.

Read Next

Midowga Yurub oo dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in  ay ku xad gudubtay xuquuqda Aadanaha