Dhimashada dhaqtarkii u dhashay Shiinaha ee soosaaray digniinta Fayraska Corona kahor intii uusan faafin ayaa magaalada Wuhan iyo guud ahaan Shiinaha waxa ay ka kicisay mowjad caro iyo murugo ah oo aan horay loo arag.
Dr Li Wenliang ayaa geeriyooday kaddib markii Fayrasku u gudbay isaga oo kuguda jira la tacaalidda bukaanada xannuunka Coronavirus-ka u jiifa isbitaalka dhexe ee magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha oo ah halka uu ka fiday Coronavirus.
Dr Li Wenliang ayaa December-2019 waxa uu farriin digniin ah u diray saaxiibadiisa Caafimaadka isaga oo uga digay Fayras uu u malaynayo in uu yahay Sars hayeeshee Booliiska ayaa u diray farriin lagu amray in uu joojiyo waxa loogu yeeray faafinta farriimaha beenta ah, waxaana Booliisku ku sameeyey baaritaanka eed la xiriirta in uu faafiyey kutiri-kuteen aan waxba ka jirin.
Warka geerida Dr Li Wenliang ayaa murugo weyn ka abuuray Barta bulshada ee Weibo oo laga adeegsado Shiinaha kaddibna murugadaas ayaa isu rogtay caro iyo kadhan ah xukuumadda Shiinaha.
Xukuumadda Shiinaha ayaa wajahaysa eed la xiriirta in ay fududeysatay xannuunka Coronavirus-ka ayna iskuday in ay qariso faafintaanka Fayraska, geerida Dr Li Wenliang ayaa cirka ku shareertay eedahaas, waxana hurisay olole ku saabsan in aan xorriyadda hadalka iyo aragtidu kajirin Waddanka Shiinaha.
Hay’adda la dagaallanka Musuqa ayaa sheegtay in ay baaritaan ka fureyso dhowr arrimood oo ay kamid geerida Dr Li Wenliang.
Xukuumadda Shiinaha ayaa qiratay waqti hore in ay jiraan nuucyo gaabis ah oo kusaabsan la tacaalidda Coronavirus oo illaa hadda dilay 636 qof ayna la ildaran yihiin 31,161 bukaan dhammaan daafaha waddanka Shiinaha.
ISHA: BBC News
