Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

Sidee loogu kala guuleystay Abaalmarinada FIFA The Pest.

Waxaa xalay fiidkii magaalada London lagu qabtay xaflada sanad laha ah ee FIFA oo lagu bixiyo abaalmarinada shaqsiyaadka ugu fiican aduunka.

Xiddiga Kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Croatia ee Luka Modric ayaa ku guulaystay xiddiga ugu fiican adduunka ee Abaalmarinta The Best kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay.

Modric ayaa abaalmarinta ku mutaystay kadib qaab ciyaareed heer sare ah oo uu soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore markaas oo uu kooxdiisa Real Madrid kula guulaystay koobka champions League halka uu sidoo kale xulkiisa geeyay finalka koobka adduunka.

Xiddigan ayaa abaalmarintan ku garaacay xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Mohamed Salah kuwaas oo kula tartamayay abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee The Best.

Dhanka kale Didier Deschamps ayaa Ku Guulaystay Tababaraha Ugu Fiican Sanadka 2018.

Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa ku guulaystay tababarihii ugu fiicnaa sanadka 2018 kadib markii uu xulka qarankiisa ku hogaamiyay koobkii adduunka Russia lagu qabtay 2018.

Didier Deschamps ayaa abaalmarintan ku garaacay tababarayaasha Zlatko Dalic Iyo Zinedine Zidane kuwaas oo kula tartamayay abaalmarinta tababaraha ugu fiican sanakda.

Dhanka goolhayeyaasha Thibaut Courtois ayaa Ku Guulaystay Goolhayaha Ugu Fiican 2018.

Goolhayaha Xulka qaranka Belguim iyo kooxda Real Madrid ee Thibaut Courtois ayaa ku guulaystay goolhayaha ugu fiican sanadka 2018 kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay koobkii adduunka.

Thibaut Courtois ayaa koobkii adduunka ku guulaystay goolhayihii ugu fiicnaa kadib markii uu xulkiisa ka caawiyay in ay gaadho semi-finalka koobkii adduunka.

Goolhayaha reer Belguim ayaa baalmarinta Goolhayaha ugu fiican ku garaacay Goolhayayaasha Hugo Lloris oo u ciyaara Tottenham & France Iyo Kasper Schmeichel Leicester & Denmark.

Mohamed Salah ayaa Ku Guulaystay Goolkii Ugu Quruxda Badanaa Sanadka 2018.

Xiddiga Kooxda Liverpool ee Mohamed salah ayaa ku guulaystay goolkii ugu quruxda badnaa ee laga dhaliyay sanadka 2018 isaga oo ku qaaday abaalmarinta Puskis Aword goolkii uu ka dhaliyay kooxda Everton.

Salah ayaa ka qaaday abaalmarinta xiddigo badan oo dhaliyay goolal badan oo cajiib ah oo uu ka mid yihiin Cristiano Ronaldo,Gareth Bale, Lionel Messi iyo xiddigo kale.

Goolka uu salah ugu guulaystay abaalmarinta ayuu ka dhaliyay kulankii Derby Merseside kaas oo ka mid ahaa goolashii ay kooxda Liverpool kaga badisay kulankaas.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiirrada XFS?

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda toddobaadlaha ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo lagu…

1 hour ago

Soomaaliya ma u diyaarsan tahay doorasho qof iyo cod ah?

"Soomaaliya uma baahna oo keliya sanduuq codbixin, waxay u baahan tahay muwaadin rumeysan in codkiisu…

2 hours ago

Maamulka Puntland oo xaqiijiyay in ay la wareegeen Xeradii Ciidanka PSF ee Boosaaso

War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in ay la…

4 hours ago

Madaxweynaha Nigeria oo Mushaarka u kordhiyay Askarta dalkaasi

Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa amar ku bixiyey in la kordhiyo mushaarka ciidanka milateriga…

4 hours ago

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

6 hours ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

18 hours ago