Wararka Idaacadda Mustaqbal ay ka heleyso Degmada Hodan gaar ahaan Dalcadda Madaxtooyadii hore Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa sheegayaa in koox hubeysay ay halkaa ku dishay Maxamuud Cabdi oo ahaa Allaha u naxariistee shaqaale katirsan shirkadda isgaarsiinta iyo Internet-ka ee SOMTEL
Wararka qaar ayaa sheegaya in qofka la dilay uu u shaqeynayay mid kamid ah Shirkadaha Bixiya Adeegga Internet-ka.
Kooxda dilka geysatay ayaa goobta isaga baxsatay, waxayna Goobjoogayaal Mustaqbal u sheegeen in dilka kadib goobta tageen Ciidamada Dowladda.
Dhanka kale Warar naga soo gaarayo Degmada Howlwadaag gaar ahaan Agagaarka Masjidka Xareed ayaa sheegaya in Koox hubeysan ay dishay Wade Bajaaj.
Dadka deegaanka ayaa soo warinaya in Kooxda Wadaha Bajaajlaha dishay ay dooneysay in ay ka dhacdo Mootada.
Dilalkan ayaa qayb ka noqonaya dhacdooyinka dilalka ah ee ka dhacayay Magaalada Muqdisho, waxaana Isgoysyada Muqdisho inta badan la geeyay Ciidamo katirsan Dowladda si ay amniga u sugaan.
War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in ay la…
Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa amar ku bixiyey in la kordhiyo mushaarka ciidanka milateriga…
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…