Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland ee PSF ay isaga baxeen xiradii ay kaga sugnaayeen magaalada Boosaaso.
Sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal ku sugan magaalada Boosaaso, Saldhigii PSF ay ku sugneyd in ka badan 20 sano ayaa waxaa la wareegay Ciidamada Difaaca Maamulka Puntland.
Tillaabadaan ayaa timid wada hadallo saacadihii la soo dhaafay socday oo la xiriiray sidii looga fogaan lahaa dagaal ka dhaca magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Ciidamada PSF oo si rasmi ah u hoos yimaada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay la kulmayay culeysyo kaga imaanayay Maamulka Puntland oo uu khilaaf kala dhaxeeyo DFS.
Xarruumihii ay Puntland kaga sugnaayeen Ciidamada PSF sida Gaalkacyo iyo Boosaas ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay la wareegay Ciidamada Maamulka Puntland.
Dhaqdhaqaaqyadan ciidan weli kama aysan hadlin Saraakiisha Ciidamada PSF.
Wixii warar ah ee ka soo kordha halkaan kala soco
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…
Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…