Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib ugu laaban doonto ka dib laba sano oo ay dibad-joog ku ahayd dalka Hindiya, inkastoo ay wajaheyso xukun dil ah oo dalkeeda ka sugaya.
Hasina oo 78 jir ah, lagana tuuray xukunka sannadkii 2024-kii ka dib kacdoon shacab oo dhiig badan ku daatay, ayaa warkaan ku dhowaaqday Arbacadii shalay iyadoo adeegsanaysa muuqaal toos ah.
Waxay ka hadlaysay munaasabad ay qabanqaabisay Naadiga Weriyeyaasha Dibadda ee Koonfurta Aasiya, iyadoo ay wehlinayeen wiilkeeda Sajeeb Wazed Joy iyo xubno kale oo ka tirsan xisbigeeda Awami League, oo uu ka mid yahay Wasiirkii hore ee Waxbarashada Mohibul Hasan Chowdhury Nowfel.
In kasta oo aysan cayimin taariikhda saxda ah ee ay laabanayso, waxay sheegtay inay doonayso inay dalkeeda dib ugu laabato bisha December ee dabayaaqada sannadkan.
Sheekh Hasina ayaa sidoo kale dalbatay in laga qaado xayiraadda saran xisbigeeda Awami League. Dhanka kale, wiilkeeda Joy ayaa sheegay inaysan wax xiriir ah la lahayn dawladda ku-meel-gaarka ah ee hadda ka arrimisa dalkaas.
Mustaqbal
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…
Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…
War kasoo baxay Booliiska Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada maamulkaas ay si buuxda…