Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda toddobaadlaha ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda.
War-saxaafaded ka soo baxay kulanka ayaa lagu dhageystay warbixinta Wasaaradda Amniga Gudaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay inuu meel wanaagsan marayo qorshaha dib u habeynta iyo casriyeynta Baasaboorka Soomaaliga.
Sidoo kale, Wasaaradda ayaa Golaha Wasiirrada ka shaaciyay in gebi ahaanba la joojiyay wax ka badelka xogta shaqsiga ah ee baasaboorka si loo xaqiijiyo sumcadda baasaboorka.
Ra’iisul wasaare Xamse oo ka hadlay kulanka ayaa wasiiradda iyo mas’uuliyiinta sarsare ee dowladda ku booriyay in ay ku safraan baasaboorka Soomaaliga si loo illaaliyo xurmadda iyo sharafta mas’uulka dowladeed leeyahay.
Mudane Xamse ayaa si gaar ah u boggaadiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka 2-aad ee dalka, Jibriil Cabdirishiid Xaaji oo toddobaadkan celiyay Baasaboorka iyo dhalashadii uu ka heystay dalka Kenya.
Mustaqbal
"Soomaaliya uma baahna oo keliya sanduuq codbixin, waxay u baahan tahay muwaadin rumeysan in codkiisu…
War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in ay la…
Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa amar ku bixiyey in la kordhiyo mushaarka ciidanka milateriga…
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…