Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Mustafe Maxamed Cumar ayaa amar ku siiyay Booliska in ay tallaabo adag ka qaadaan dhallinyaro ka tirsan kooxda Heego oo taageersan Madaxweynihii hore.
Dhallinyaradaas ayaa maalmihii la soo dhaafay rabshado ka waday Magaalada Jigjiga,waxaana ugu dambeeyay isku dhac shalay dhexmaray iyaga iyo taageerayaasha Ururka ONLF oo Calanka Ururka Jigjiga kula soo baxay.
Isku dhacaas,waxaa ku dhaawacmay hal qof,waxaana kaddib arrinta galay Booliska oo kala ceyriyay dhallinyaradii is heysatay.
Mustafe Cagjar oo shir jaraa’id ku qabtay Jigjiga ayaa sheegay in amaanka uu muhiim yahay,laamaha amniga ayuu amar ku siiyay in ay tallaabo ka qaadaan dhallinyarada rabshadaha wada,waxaana uu Booliska uga digay in ay xadgudub sameeyaan.
Dhinaca kale waxaa uu sheegay in maamullada magaalada iyo degmooyinka lagu dhisayo muddo shan cisho ah gudahood.
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda toddobaadlaha ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo lagu…
"Soomaaliya uma baahna oo keliya sanduuq codbixin, waxay u baahan tahay muwaadin rumeysan in codkiisu…
War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in ay la…
Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa amar ku bixiyey in la kordhiyo mushaarka ciidanka milateriga…
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…