GUDAHA/wararka

10 Tababare oo shaqadooda ku waayay Koobka Adduunka 2026

Koobka Adduunka 2026 waxaa laga diiwaangeliyay dhacdooyin kala duwan iyada oo mar weliba uu dhaco kulan ciyaareed ay soo baxaan dhacdooyinkaas oo inta badan Warbaahinta indhahooda soo jiidata sida ay u danaynayaan Dadka ku xiran.

Waxaa jira 10 Tababare oo shaqadooda xulalka ku waayay guuldarrooyin ay la kulmeen, 7 kamid ah waa ay is casileen si ay uga fogaadaan ceeb iyo is qabqabsi halka 3da kale shaqada laga eryay maadaama aanay noqon sidii laga filayay.

1-Ronald Koeman, waxa uu iska casilay Xilka Tababare ee xulka qaranka Netherlands kaddib markii laga ciribtay Koobka Adduunka 2026, waxaana reebay dhiggooda Afrika ee Morocco uu usii gudubtay qaybaha kale ee tartanka.

2- Roberto Martínez waxa uu isaga tagay shaqadii xulka Portugal oo xalay guuldarro waqti dambe ah kala kulmay dhiggiisa Spain ciyaar kusoo idlaatay 1 gool iyo 0 oo Portugal uu ku macsalaameeyay rajadii Koobka Adduunka 2026.

3- Hong Myung-bo waa macallinkii diyaariyay xulka South Korea, ma suuragalin rajadiisii ahayd in uu meel sare geeyo xulkaas oo laga reebay tartanka koobka Adduunka ee sannadkaan mar haddii uu ku haray heerka guruubyada.

4- Carlos Queiroz waa Macallinkii qaranka Ghana, dedaalkiisa oo noqday hal bacaad lagu lisay ayaa ku qasbay in uu isaga tago shaqada xulkaas mar haddii Colombia ay ku reebtay wareegga 32da una gudbi waayay wareegga 16aad.

5- Steve Clarke waxa uu ahaa tababaraha xulka Scotland ee usoo gudbay Koobka Adduunka 2026, dedaalkiisa uma suuragalin in uu kasoo baxo heerka guruubyada waana tan ku sababtay go’aanka shaqo ka tagista ah.

6- Sebastián Beccacece waxa uu dedaal dheeraad ah geliyay in uu meel sare gaaro qaranka Ecuador, waxa uu kasoo saaray heerka guruubyada balse kama gudbin wareegga 32da oo waxaa reebay dhiggooda Mexico.

7- Marcelo Bielsa waxaa xulkiisa Uruguay ku dhacay guuldarro iyo ceeb daba socotay oo sababtay heer loo diido in diyaarad gaar ah loo diro, heerka guruubyada ayuu ku haray waxaana ugu dambayn uu iska casilay hoggaanka xulkaas.

Saddexda tababare ee shaqada laga eryay balse rabay in ay xulalkaas sii hayaan ayaa kala ah:

1- Julian Nagelsmann waxaa laga eryay shaqada xulka qaranka Germany maadaama lagu reebay wareeggga 32aad ee Koobka Adduunka, Macallinkaan ayaa lagu dhaliilay soo xulashadiisa ciyaartoyda iyo farsamadiisa oo noqon waysay mid uu guulaha kusii wadi waayay.

2- Sabri Lamouchi tababarihii xulka Tunisia, Shaqada waxaa laga eryay kaddib markii guuldarro 5-1 uu kala kulmay Sweden ciyaar kamid ahayd tartanka heerka guruubyada kuna guuldaraystay in uu xulkaas ka safray Waqooyiga Afrika uu soosaaro.

3- Miroslav Koubek waa Macallinkii Xulka Kubadda Cagta ee Czech Republic oo waxqabad liita ku tagay Koobka Adduunka 2026, waxa uu awoodi waayay in uu xulkiisa kasoo baxo heerka Guruubyada waana tan keentay in shaqada laga joojiyo.

Koobka Adduunka 2026 oo haatan sii socda waa suuragal in macallimiin ay is casilaan ama shaqada laga eryo, waxaana indhaha lagu hayaa xulalka qaar oo macquul ay tahay in ay qaadaan tallaabooyinkaan diiwaanka galay.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

12 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

15 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

17 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

18 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

18 hours ago

Golaha Ammaanka oo kordhiyay Cunaqabaynta hubka ee saaran Gobolka Daarfuur

15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…

19 hours ago