GUDAHA/wararka

Trump oo gaarey dalka Turkiga iyo Shirka NATO oo maanta furmaya

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa magaalada Ankara ku soo dhaweeyay dhigiisa Mareykanka, Donald Trump, xilli uu si rasmi ah u furmay shir-madaxeedka gaashaanbuurta NATO oo socon doona muddo labo maalmood ah.

Soo dhaweyntan kaddib, waxaa lagu wadaa in munaasabad rasmi ah loogu qabto dhismaha madaxtooyada Turkiga, halkaas oo ay labada hoggaamiye ku yeelan doonaan wada-hadallo fool-ka-fool ah iyo kulamo.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saari doonaa xiriirka labada dalka, arrimaha gobolka, iyo xaaladaha caalamiga ah ee taagan, iyadoo la filayo in gabagabada ay si wadajir ah u qabtaan shir jaraa’id.

Shir-madaxeedka NATO ee sannadka 2026, oo ay ku kulmayaan madaxda dawladaha xubnaha ka ah isbaahaysiga iyo hoggaamiyeyaasha dalalka ay bahwadaagta yihiin, ayaa looga hadli doonaa qodobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin: dagaalka Bariga Dhexe iyo Xabbad joojinta Iiraan iyo Mareykanka.

Mustaqbal

 

MM Staff

Recent Posts

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

14 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

17 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

19 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

20 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

20 hours ago

Golaha Ammaanka oo kordhiyay Cunaqabaynta hubka ee saaran Gobolka Daarfuur

15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…

21 hours ago