Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari jiray in lagu aaso Xildhibaanka dhinta kaddib markii su’aalo ay ka keenneen qaar kamid ah Xildhibaannadaas.
Guddoonka Golaha Shacabka oo la kulmay su’aalo badan oo uga yimid Baarlamaanka sida waxa lagu sameeyo lacagtaas sida joogta ah bil weliba looga jaro ayaa ugu dambayn fadhiga guud ee Golahaas ka dhex sheegay in go’aankaan.
Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka ayaa ku kala qaybsamay go’aanka lagu joojiyay waxa ay qaarkood sheegeen in markii hore su’aashoodu ugu gol lahaayeen la socoshada meesha ay aaddo balse aanay ka ahayn soo jeedin lagu joojinayo.
Xildhibaan Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan Dhabancad ayaa sheegay in lacagta laga qaado Xildhibaannadu ay dhan tahay $75,500 oo Doollar sidaas awgeed ay xaq u leeyihiin inay guddoonkooda waydiiyaan xisaab celinteeda.
Muddo dheer waxaa taagnayd dood ka dhalatay halka lacagtaas la geeyo, inta ay la eg tahay iyo xogteeda waana tan keentay in Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad ay guddoonka ka dalbadeen in faahfaahin laga siiyo xogta lacagtaas.
Mustaqbal
Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…
Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…
Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…
Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…
15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…
Maamulka Israa’iil ayaa ku biiray dhinacyada u xusul duubaya sidii Itoobiya ay saldhig joogto ah…