Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sababo amni darteed uga hor timid Barnaamijka cusub ee Shirkadda Meta ay kusoo kordhisay adeegsiga WhatsApp taasi oo ah in nambarka qofka adeegsanaya aaladdaas la qarin doonno isaga oo keliya magaciisa uu muuqanayo.
Soomaaliya ayaa sheegtay in iyada oo laga duullayo xaaladaha ku xeeran dhinaca Amniga inay u diidan tahay Barnaamijkaan maadaama meesha uu ka baxayo nidaamka habraaca teleefanka qofka adeegsanaya aaladdaas sida hadalka loo dhigay.
Agaasimaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa sheegay in ay Hindiya la qabaan walaaca sii kordhaya ee adeegsiga bilaa nambarka ah ee Shirkadda Meta ay damacsan tahay in ay kusoo kordhiso WhatsApp.
Dowladda ayaa sheegtay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay kahortagga khataraha dhinaca isgaarsiinta ee qarsoon iyada oo ay ku jiraan ururro iyo kooxo u abaabulan arrimahaas oo baacsi ay ku hayso Soomaaliya sida hadalka loo dhigay.
Hindiya ayaa dhowaan waxa ay Shirkadda Meta u bandhigtay go’aankeeda diidmada ah iyada oo dhinacyo badan ka eegtay marka la eego masiirka Dalka ay ku nool yihiin Dadka aadka u badan kana jiraan xaalado iyo duruufo kala duwan.
Mustaqbal
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…