GUDAHA/wararka

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, ayaa lagu ansixiyay qaraar dhigaya in maxkamad la soo taago saraakiishii sar-sare ee ciidamada Waqooyi Galbeed ee lagu qabtay dagaaladii ka dhacay gobolka Sool.

Qaraarkan ayaa dhigaya in saraakiisha gacanta lagu hayo lagu qaado dacwado la xiriira duqaymihii ka dhanka ahaa shacabka magaalada Laascaanood iyo dagaaladii sokeeye ee muddada dheer qaatay.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo warbaahinta la hadlay kadib fadhiga ayaa sheegay in tillaabadan ay ahayd mid muddo dheer laga sugayay maamulka, balse ay dhowr jeer dib u dhacday duruufo farsamo iyo kuwa amni darteed.

Dagaalkii Goojecadde oo dhacay 25-kii Agoosto, 2023 ayaa ahaa kii ugu cuslaa oo lagu qabtay Saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Waqooyi Galbeed.

Dagaalkaas oo yimid kadib ku dhowaad sideed bilood oo ay magaalada Laascaanood ku jirtay go’doon iyo duqaymo joogto ah, ayaa horseeday in gebi ahaanba laga saaro ciidamada Somaliland agagaarka magaalada, taas oo dhalisay isbeddel weyn oo dhanka maamulka iyo amniga ah.

Intii uu socday dagaalkii Gooja-cadde waxaa gacanta lagu dhigay l askari iyo saraakiil sar-sare oo ka tirsanaa milatariga Waqooyi Galbeed oo uu kamid yahay Sareeye Guuto Faysal Cabdi Bootaan.

Lama oga waqtiga rasmiga ah ee Maxkamada la horkeeni doono Saraakiishan ciidan ee ka tirsanaa Maamulka Waqooyi Galbeed.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

7 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

8 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

9 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

10 hours ago

Maxay tahay fariinta Puntland ay u dirtay Galmudug?

War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…

11 hours ago

Iiraan oo Ukraine ugu hanjabtay inay jawaab ka siin doonto Markabka ay ku beegsatay Badda Caspian

Dowladda Iiraan ayaa si caro leh uga hadashay weerarkii Ukraine ay ku beegsatay mid kamid…

12 hours ago