GUDAHA/wararka

Maxay tahay fariinta Puntland ay u dirtay Galmudug?

War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad Ciidan oo loo wado ciidamada hoostaga Federaalka ee jooga deegaannada Maamulkaas sida lagu sheegay warkaas.

Puntland ayaa Galmudug usoo jeedisay in ay is hor istaagto Saanaddaas Ciidan ee laga Garoomada Diyaaradaha iyo dhulka uu maamulo Maamulkaas maadaama Dowlad-Goboleedkaas uu ku dooday in lagu dhibaataynayo sida uu hadalka u dhigya.

“Puntland waxa ay ugu baaqaysaa Galmudug inay ka waantowdo in saanad ciidan  soo maraan garoomada iyo dhulka ay maamusho Galmudug kuwaas oo looga dan leeyahay in lagu dhibaateeyo shacabka reer Puntlan” Sidaasi waxaa lagu yiri warka kasoo baxay Puntland

Dhanka kale, Maamulka Puntland ayaa sheegay in aysan jirin ciidan ka diiwaangashan Dowladda Federaalka oo ka howlgalla Deegaannada Maamulkaas, meel fog ayay Xukuumadda Siciid Deni ka istaagtay ciidanka u diiwaangashan Dowladda.

Ciidanka gaarka u tababaran ee PSF (Puntland Security Force) ayaa dhawaan dagaal la galay ciidamo isugu jira Daraawiishta Maamulka Puntland iyo kuwa PMPF iyada oo weli xiisaddaas ay ka taagan tahay Deegaannada Maamulkaas.

Dowladda Soomaaliya oo horay u sheegtay in ciidan Federaal ah ay ka joogaan Deegaannada Maamul Goboleedka Puntland weli kama jawaabin sheegashada Xukuumadda Siciid Cabdullaahi Deni ee la xiriirta in aanay jirin ciidan ka baxsan kuwa maamulka oo halkaas jooga.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

12 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

15 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

16 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

17 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

17 hours ago

Golaha Ammaanka oo kordhiyay Cunaqabaynta hubka ee saaran Gobolka Daarfuur

15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…

18 hours ago