Aqalka sare oo sheegay in go’aan laga gaaray khilaafkii dowladda dhexe iyo D.Goboleedyada

C/Raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo ka mid ah Xubnaha Golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in Aqalka sare ee dalka uu ku guuleystay in uu go’aan ka soo saaro khilaafkii u dhaxeeyay dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada.

Guddiga aqalka sare ee wada-xaajoodka xal-u-raadinta khilaafka u dhaxeeya xukuumadda DFS iyo DXDF waxaa ay soo gudbiyeen 8 cabasho oo ay ka mideysan yihiin dhammaan dowlad goboleedyada iyo 4 mid weliba gaar u dooneyso in wax laga qabto, kuwaas oo la doonayo inay wax ka qabato xukuumadda federaalka ah.

Cabashooyinka ay Siman Yihiin Maamul Goboleedyada:

Dedejinta dhameystirka dastuurka federaalka.

Ka howlgelidda dhismaha  ciidama qaranka iyo sugidda amniga.

Dhismaha guddiga garsoorka qaranka iyo dib u habeynta gatsoorka.

Ka howlgelidda dib u heshiisiinta iyo midnimada qaranka.

Ka heshiinta qaab dooarashada guud ee 2021-ka iyo dhismaha axsaabta.

Xoojinta nidaamka federaleynta, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan.

Mideynta qorshaha qaranka sida wax qeybsig mashaariicda iyo dhaqaalaha, iyada oo dowladda dhexe ay yeelaneyso go’aaminta meelaha ku habon, ka hirgelinta kabeyaasha dhaqaalaha iyo bulsho heer qaran

Faragelin la’aanta doorashooyinka DXDF iyo kuwa dowladda dhexe

Cabashooyinka u gaar ah dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah

Puntland: Taageeridda ciidamada xoogga dalka(SNA), qeybta Puntland xagga mushaarooyinka, tababarrada iyo agabka.

Jubbaland: Taageeridda ciidamada daraawiishta ee Jubbaland, tayeytooda iyo kala howl-gelidda amniga guud ee Jubbaland.

Koonfur Galbeed: kala shaqeynta sugidda amniga gaar ahaan Muqdisho-Baydhabo.

Galmudug: La dhisidda ciidanka maamul Galamudug iyo la xoreynta dagaannada ay amni-darrida ku hayaan Al-shabaab

Ugu dambeyntii, Guddiga waxaa ay xukuumadda federaalka ah u soo-jeediyeen fulinta qodobada kor ku xusan, oo ah 8 qodob oo guud iyo 4 midba gooni u yahay maamul, oo ah nuxurka tabashooyinka

Go’aanka waxaa lagu saleeyey tabashooyin u dhaxeeya hey’ado isku dowlad ah oo leh shakhsiyad sharci, si waafaqsan dastuurka kmg ee Soomaaliya, kaas oo ku soco-la’aantiisa ay waxyeello u geysaneyso qabashadii adeegyada ay dadka iyo dalka u hayaan hey’adaha dowliga ah ee dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Guddiga waxaa uu sidoo kale go’aankiisa ku saleeyey heerka dowlad goboleedyada ay mas’uuliyadoodu tahay fulinta adeegyada dadka u baahanyihiin meelaha ka baxsan caasimadda iyo mas’uuliyadda dowladda dhexe ee “u taagnaanta iyo matalaadda qarannimada Soomaaliya.

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

6 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

10 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

10 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

11 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

11 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

12 hours ago