Maxamed Bin Salmaan oo codsaday in uu la kulmo Erdogan

Wasiirka arrimaha dibadda Dalka Turkiga Cavusoglu, ayaa xaqiijiyay in Dhaxal sugaha dalka Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan uu codsaday in uu magaalada Buenos Aires ee Caasimadda Dalka Argentine.

Bin Salmaan ayaa Qadka Taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha Turkiga,waxaana uu weydiistay in ay kulmi karaan iyo in kale Erdogan ayaana ku jawaabay ‘aan aragno”,sida uu sheegay Wasiir  Cavusoglu.

Magaalada Buenos Aires, ee caasimadda Argentine waxaa ka furmay shirka Waddamada G20,kaas oo dhacaya maalmaha 30ka November ilaa 1da December,waxaana halkaas isku arkaya madax badan oo caalamka ah.

Xiriirka Turkiga iyo Sucuudiga ayaa xumaaday kaddib markii Dalka Turkiga lagu dilay Wariye Jamal Khashoggi oo u dhashay Sucuudiga.

Dowladda Turkiga ayaa cadaadis diblomaasiyadeed ku heysa Sucuudiga iyo Maxamed Bin Salmaan, si ay dowladda u qirato dilka wariye Jamaal.

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

8 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

11 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

12 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

13 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

13 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

13 hours ago