Khasaare ka dhashay Ciidamada dowladda iyo Al-shabab oo ku dagaallamay Hiiraan

Ugu yaraan 5 Qof ayaa ku geeriyootay halka kuwo kale ay ku dhaawacmeen kaddib dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan.

Taliyaha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Hiiraan Jen. Tareedisho ayaa sheegay in weerar gaadmo ah oo lagu qaaday kolonyo ka tirsan Ciidamada dowladda iyo AMISOM ay ku dhinteen shan ka mid ah Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay in inta badan weerarka uu u badnaa Miinooyin jidka la geliyay iyo weerar sida uu sheegay aad u yaraa.

Dhinaca Ciidamada dowladda ayuu ka gaabsaday in uu sheego khasaaraha ka soo gaaray,hayeeshee waxaa uu sheegay in xitaa haddii ay Askar ka dhinteenna ay yihiin kuwo shahiiday.

Al-shabaab ayaa dhinaceeda sheegtay in Ciidamo ka tirsan Maamulka Hirshabeelle ay ku weerartay Tuulada Oronto lagu magacaabo.

Ma sheegin khasaaraha ka dhashay weerarkaas oo ay sheegeen in uu dhimasho iyo dhaawac ka gaaray Ciidamada dowladda Federaalka ah.

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

4 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

8 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

8 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

9 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

10 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

10 hours ago