GUDAHA/wararka

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala ee caasimadda Uganda waxaa cod dheer lagu sheegay in la garab istaago ciidanka Xoogga Dalka si ay ula wareegaan mas’uuliyadda Amniga Dalka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay guullaha ay gaareen ciidanka Xoogga Dalka isaga oo carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in laga garab istaago tababarrada, qalabka ay ku howlgallayaan iyo taageerrada kale ay u baahan yihiin.

Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya ayaa dhankooda muujiyay in la garab istaago ciidanka Xoogga Dalka oo isbaddel muuqda uu ku yimid dhinaca awooddooda, howlgalladooda, hubka iyo gaadiidka ay ku howlgallayaan.

Ururka Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in uu abuuro fursado lagu fulinayo howlgallo ka dhanka ah ‘AS’ oo ay iska kaashanayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya marka uu soo idlaado loo saaro ciidamada AUSSOM sida hadalka loo dhigay.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

25 mins ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

2 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

2 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

3 hours ago

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

20 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

20 hours ago