GUDAHA/wararka

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka Maraykanka halkaas oo muddooyinkii dambe uu ku xannuunsanay sida ay ku warrameen dad ku dhow xaaladdiisa.

Axmed Cali Cigaal waxa uu fannanka billaabay isaga oo da’yar oo Arday ah sannadkii 1967dii, Riwaayaddii ugu horreysay ee lagu bartay waxa ay ahayd Shabeel Naagood oo jiliin fiican oo soo jiidasho lahaa kusoo bandhigay.

Cigaal waxa uu ku luuqeeyay Heeso isugu jira Waddani iyo kuwo Jacayl ah oo qaarkood kula lamaansanaayeen Fannaaniin kale iyo hoballada uu katirsanaa ee Waaberi isaga oo u dhaxay Fannaaniinta kala ah Maryan Mursal Ciise oo labo wiil u dhashay.

Waraysi uu horay u bixiyay waxa uu Marxuumku sheegay in Yaraantiisa xiligii Waxbarashada uu ku jiray uu lug ku lahaa fanka maadaama qayb kamid ah Waxbarashadiisa ay ku jirtay diyaarinta faneed sida labista, qaabka loo heeso iyo waxyaabaha looga baahan yahay fannaanka.

Waxa uu xusay in uu raadiyay sida isbaddel loogu samayn karo Heesaha Soomaaliyeed sida In fannaanku fahmo in uu noqdo mid dadweynaha u dhega-nugul oo dhagaysta isla markaana dulqaad badan yeesho falcelinta Bulshada iga imaanaysa.

Ku luuqaynta Heesaha waxaa u dheeraa in uu laxanka saari jiray, jilitaanka Riwaayadaha isaga oo fursad ka dhex helay tartankii heesaha Hirgelay oo fannaaniin badan ay halkaas kasoo baxeen kuwaas oo magac iyo sumcad Bulshada ku dhex leh.

Heesaha uu fannaanka uu ku luuqeeyay waxaa kamid ah:

Garqaado Jacayl

Walaashey Gacalisoy

Samadiidow dabin baa kuu dhigan

Salal

Ballantaynu dhiganaa

Kaftankuna inoo xidhan

May dhiman Suleekhoo

Maxaad Sheekadeennii

Marwo

Hargaysa

Itaal

Haradigeed

Goroyo Cawshu

Iyo Heeso kale oo badan, waxaana uu kamid ahaa Fannaaniintii dalka isaga tagtay markii ay burburtay Dowladdii Kacaanka ahayd, waxa uu dhowr jeer ka qaybgalay bandhigyo fanneen oo lagu qabtay meelo kala duwan oo caalamka ah.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

19 mins ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

3 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

3 hours ago

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

3 hours ago

Maamulka Puntland oo maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Dowlad-Goboleed noqday

Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…

5 hours ago

Taliyaha AFRICOM “Waxaa naga go’an sii wadista howlgallada Amni ee lagu taageerayo Soomaaliya”

Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…

7 hours ago