Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana lagu wadaa in uu khudbad ka jeediyo kulanka wadajirka ah ee labada Aqal.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la wadaagaya xaaladda Dalka sida shirarkii looga hadlay amniga Dalka, Howlgalka AUSSOM, Doorashooyinkii dhacay, la dagaalanka ‘AS’ & kuwa soo socda iyo arrimo kale.
Sida uu dhigayo Dastuurka Dalka Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furaya kalfadhiga Baarlamaanka, waxaana kalfadhigaan loo badinayaa in uu noqdo kan ugu dambeeya ee Baarlamaanka 11aad.
Waxyaabaha horyaalla Baarlamaanka Federaalka waxaa kamid ah Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka maadaama uu xilkaas ka tagay Aadan Madoobe, Doorashooyinka iyo arrimo kale oo hoostagaya Siyaasadda sida ay ku warrameen ilo kala duwan.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…
Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…
Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…
Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…