Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista soo korortay ee caqabadda ku noqon karta isticmaalka marinkaan haddii aan haatan kahortag lagu sameeyn arrimahaaas sida hadalka loo dhigay.
Isbahaysigaan oo ay qayb ka yihiin 14 Dal oo ku kulma ama wax usoo mara Badda Cas ayaa isla gartay in la sameeyo kahor heerkiisu sarreeyo maadaama laga dheragsan yahay caqabadaha ka dhashay colaadda saamaysay Marinka Hormuz.
Waddamada Soomaaliya ku wehliya Isbahaysigaan oo fadhigiisu noqonayo Magaalada Riyadh waxa ay kala yihiin Sacuudi Carabiya, Kuwait, Baxrayn, Qatar, Pakistan, Turkiga, Masar, Urdun, Yemen, Bangaladesh, Nigeria, Suudaan & Jabuuti.
Saraakiil iyo khubarro ciidan oo dhinaca Amniga Badda ku takhasusay ayaa diiradda saaraya sidii Isbahaysigaan uga jawaabi lahaa su’aalo badan oo horyaalla sida joogtaynta gudbinta Maraakiibta Ganacsiga, samaynta saldhig muhiim ah & kuwo kale.
Si loo kordhiyo kalsoonida isu gudubka Ganacsiga xorta ah loogana hortago caqabadaha imaan kara waxaa muhiim ah in howlgalkaan la isku xiro Badda Cas, Baabul-Mandab iyo Gacanka Cadmeed si looga hortago halista muuqata iyo tan qarsoon.
Mustaqbal
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…
Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…
Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…