GUDAHA/wararka

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha amniga, doorashooyinka madaxa-bannaan ee dalka ka socda iyo dimuqraadiyadda.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhageystay Xubnaha Golaha Wasiirrada, iyagoo ka warbixiyay xaaladda Amniga, Siyaasadda iyo weliba arrimaha bulshada.

Sidoo kale, kulanka ayaa si gaar ah loogu soo bandhigay howlgallo isugu jiray duqeymo iyo dagaal toos ah oo lagu qaaday AS.

Madaxweynaha ayaa faray Golaha Wasiirrada in ay dardar galiyaan u adeegida Bulshada Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey Hindise-Sharciyeedka  Diiwaangalinta iyo Rukhsad-siinta Ganacsiyada iyo Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Agaasinka Guud ee Arrimaha Diinta ee Madaxtooyada Turkiga iyo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

1 hour ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

2 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

4 hours ago

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ku baaqay in Ciidanka AUSSOM sii joogaan Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…

4 hours ago

Abaar iyo biyo yaraanta ka jirta qeybo kamid ah dalka UK

Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…

6 hours ago

Soomaaliya iyo Japan oo ka wada hadlay amniga Marinada Badaha

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda dalka Japan, Mr. OnishiI Yohei, ayaa kulan gaar ah la yeelatay…

7 hours ago