Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka AUSSOM ay ku sii sugnaadaan Soomaaliya, xilli ay wajahayaan dhaqaale la’aan.
Jeneraal Muhoozi oo ka hadlayay shir gaar ah oo magaalada Kampala ay ku yeesheen taliyeyaasha ciidamada ee dalalka ku midoobay howlgalka cusub ee AUSSOM, ayaa sheegay in sugida amniga Soomaaliya ay u baahan tahay in ay go’aan ka gaaraan Dalalka Afrika, si looga gudbo hoos u dhaca ku yimid taageeradii caalamiga ahayd.
Wuxuu ka digay in dhaqaale la’aanta jirta ay saameyso Howlgalka Nabad Ilaalinta Soomaaliya oo laga shaqeynayay tan iyo 2007dii.
Shirkan ayaa ku soo beegmay xilli Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya uu joojiyay taageerada dhaqaale ee uu siin jiray Howlgalka AUSSOM oo waqtigiisa ku egyahay 31-ka Diseembar 2026.
Maalinta berri ayaa la filayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madax dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ay kulan gaar ah ku yeeshaan dalka Magaalada Kambala, iyadoo go’aanno laga soo saari doono Mustaqbalka Howlgalka AUSSOM.
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…
Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…
Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda dalka Japan, Mr. OnishiI Yohei, ayaa kulan gaar ah la yeelatay…
Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay in maanta si rasmi ah ay uga bilaabatay…
Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhowaaqay bandow guud oo lagu soo rogay dhammaan magaalooyinka…
Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada amniga…