Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay in maanta si rasmi ah ay uga bilaabatay 11 degmo doorashada wakiillada iyo deegaanka ee maamulka goboleedka Galmudug, iyadoo la filayo in ay codkooda dhiibtaan in ka badan 200 oo kun ruux.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Qaranka, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa sheegay in dhammaan goobihii loo asteeyay codeynta ay furan yihiin, isla markaana ay doorashadu u socoto sidii loo qorsheeyay.
Guddoomiyuhu wuxuu xusay in codbixiyeyaashu ay adeegsan karaan Kaarka Aqoonsiga rasmiga ah ama Warqadda Aqoonsiga Kumeelgaarka ah, si ay uga qeyb qaataan codeynta.
Sida xogta guddigu muujineyso, Doorashada waxaa ka qeyb galaya 12 urur siyaasadeed oo 369 Musharax oo ka tirsan Ururadaasi ay wada doonayaan 89 kursi oo ah Golaha Wakiilada Galmudug.
Sidoo kale waxaa barbar socota Doorashada Goleyaasha Degmooyinka Dowlad goboleedka Galmudug oo 924 Musharax ay u wada tartamayaan 243 Kursi.
Doorashadu waxay socon doontaa hal maalin, iyadoo goobaha codeyntu furnaan doonaan 12 saacadood, si dhammaan codbixiyeyaasha loogu suurtageliyo inay codeeyaan.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa ugu baaqay codbixiyeyaasha iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso doorashadu inay ilaaliyaan nidaamka, iyadoo wixii ka dambeeya caawa ay billaaban doonto tirinta codadka si loo shaaciyo Natiijada rasmniga.
Doorashada Qof iyo Codka ah ayaa hore looga soo qabtay gobolka Banaadir iyo Maamulka Koofur Galbeed.
Mustaqbal
Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhowaaqay bandow guud oo lagu soo rogay dhammaan magaalooyinka…
Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada amniga…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa, waxa…
Howlgalkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ay ka sameeyeen deegaanno…
Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay War hadal hayn dhaliyay oo ku saabsan in ay leedahay…