Barta Twitter-ka ee badanaa ay akoonnada ku leeyihiin dadka Caanka ah, Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada ayaa ka waxaa ka socda tartan dhinaca taageerayaasha qof kasta uu leeyahay ah,waxaana xusid mudan in dadka caanka ah ama madaxweynayaasha ah aysan badanaa raacin ama Fallow dhihin dadka kale.
Haddaba Madaxweynaha Kenya oo ka mid ah dadka ugu caansan Barta Twitterka marka laga eego dhiggiisa Madaxda Afrika ayaa waxaa uu raacsanyahay sagaal Madaxweyne oo Caalamka ah.
Madaxweynayaashaas waxaa ka mid ah Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, Madaxweynaha Nigeria, Muhammadu Buhari Madaxweynaha Tanzania, John Magufuli Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni Madaxweynaha Koofur Afrika Cyril Ramaphosa .
Waxaa kale oo uu raacsanyahay Madaxweynihii hore ee Mareykanka e Barrack Obama,Madaxweynaha Namibia Hage Geingob ,Madaxweynaha Ivory Coast Alassane Ouattara Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame iyo Madaxweynaha Gabon Ali Ondimba .
Mr Kenyatta ayaa sidoo kale raacsan barta Twitter-ka ee Xaaskiisa ama marwada 1aad ee Kenya,taas oo cinwaankeeda hadda yahay FirstladyKenya, waxaana dadka Kenyaanka ah ay isha ku hayaan in cinwaankan la beddelayo marka uu xafiiska banneeyo sanadka 2022ka iyo in kale.
Sidoo kale Mr Kenyatta ayaa raacsan Twitterka Ra’isalwasaaraha Ingiriiska Theresa May, Ra’isalwasaaraha HindiyaNarendra Mondi iyo Ra’isalwasaaraha Japan Shenzo Abe .
Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale Twitter-ka ka raacsan ku xigeenkiisa William Ruto, iyo hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya ee Adam Barre Ducaale.
Guud ahaan Dadka uu raacsanyahay waxaa ay gaarayaan 33 Qof,waxaana isaga raacsan 3.17 Milyan oo Taageerayaal Twitter-ka ah.
Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…