Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Cabdilcaati, ayaa sheegay in wadahadalladii u dhexeeyay Masar, Itoobiya iyo Suudaan ee la xiriiray biyo-xireenka ee Itoobiya ay istaageen, taasoo ka dhigan in aanay wax natiijo ah laga gaarin.
Wasiirka ayaa arrintaasi ku tilmaamay nasiib darro, isaga oo si cad u sheegay in markasta ay doonayeen guulleysiga wada hadallada, balse ay sii socon waayeen.
“Waxaan si toos ah u sheegnay in geeddi-socodka wadahadalka uu gaaray waddo xiran. Waxaan marar badan ku celcelinay in Masar ay xaq u leedahay inay isdifaacdo oo ay ilaaliso danahaheeda biyaha hadii ay la kulanto hanjabaad kasta,” ayuu yiri Wasiir Cabdilcaati.
Masar ayaa muddo dheer cabasho ka muujinaysay saamaynta ay biyo-xireenka Itoobiya ku yeelan karto helitaanka biyaha Webiga Nile, oo ay dalkaasi aad ugu tiirsan tahay.
Warkan ayaa imanaya xilli xiisadda u dhaxaysa Qaahira iyo Addis Ababa ay mar kale soo cusboonaatay, iyadoo lagu eedeeyay Itoobiya in ay si keligeed ah u waddo buuxinta biyo-xireenka iyada oo aan la gaarin heshiis dhammaan dhinacyada ay ku qanacsan yihiin.
Mustaqbal
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda toddobaadlaha ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo lagu…
"Soomaaliya uma baahna oo keliya sanduuq codbixin, waxay u baahan tahay muwaadin rumeysan in codkiisu…
War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in ay la…
Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa amar ku bixiyey in la kordhiyo mushaarka ciidanka milateriga…
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…