Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, dibadbaxyo rabshado wata ayaa ka socday caasimadda dalka Togo, kuwaas oo looga soo horjeedo isbeddelladii siyaasadeed ee dhowaan lagu sameeyay nidaamka xukunka dalkaas.
Dibadbaxyada oo ay hormuud u yihiin dhalinyarada iyo dadka caanka ah ee baraha bulshada, ayaa markii hore si nabadeed ku bilowday balse isu beddelay rabshado, iyadoo ciidamada booliska ay adeegsadeen gaas-ka ilmada ka keena si ay u kala eryaan dadka mudaharaadayay.
Isbahaysi ka kooban 23 urur oo rayid ah, una taagan xorriyadda rayidka, kuna midaysan magaca “Madasha Qaranka ee Xorriyadda Rayidka”, ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabada dowladda, iyaga oo ku eedeeyay in ay adeegsatay xoog xad-dhaaf ah oo ka dhan ah muwaadiniinta si nabad ah u cabbiraya aragtidooda.
“Dibadbaxyadu waa xuquuq dastuuri ah oo uu dammaanad qaaday Dastuurka Togo iyo heshiisyada caalamiga ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saareen.
Mudanayaal iyo dadweyne careysan ayaa si gaar ah uga horyimid isbeddel sharciyeed lagu beddelay nidaamka doorashada, taas oo meesha ka saartay doorashada tooska ah ee madaxweynaha.
Tan iyo sanadkii 2022, dowladda Togo ayaa mamnuucday dibadbaxyada iyadoo sabab uga dhigtay arrimo amni, taasoo ay mucaaradku ku tilmaameen tallaabo lagu caburinayo xorriyadda hadalka iyo dimuqraadiyadda dalka.
Waxaa la filayaa in mudaharaadyadu sii socdaan maalmaha soo socda, iyadoo xaaladda magaalada Lomé ay weli kacsan tahay.
Mustaqbal
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda toddobaadlaha ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo lagu…
"Soomaaliya uma baahna oo keliya sanduuq codbixin, waxay u baahan tahay muwaadin rumeysan in codkiisu…
War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in ay la…
Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa amar ku bixiyey in la kordhiyo mushaarka ciidanka milateriga…
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…