GUDAHA/wararka

Maalgashiga Shiinaha ee Afrika oo sannadkaan gaaray $33.5 Bilyan

Waxaa sii kordhay maalgashiga Shiinaha uu ku sameysanayo Qaaradda Afrika, waxaana xog-baaris arrintaas ku saabsan oo si wadajir ah u sameeyeen Green Finance & Development Center (Shanghai) iyo University of Queensland Business School lagu ogaaday faa’iidada Beijing ay ka heshay 6 bil ugu horreysay ee sannadkaan 2026.

Mashruuca Belt and Road Initiative ee Shiinaha uu soo billaabay sannadkii 2013 waxa uu xoogga saaray Qaaradda Afrika iyada oo Beijing ay diiradda saarayso horumarinta Dekedaha, Dhismaha Waddooyinka, Buundooyinka, Marinnada Tareennada, Garoomo Diyaaradeed, Warshado, u guurista tamarta cadceedda, samaynta Gaaska, Biyaha, Isgaarsiitna & Macdanta dabiiciga ah.

Dhammaan ilaha muhiimka ah oo Shiinaha uu gelinayo dhaqaale oo muddo kaddib dib uga soo laabanayso Faa’iido badan waxa ay noqotay fursad uu dalkaasi ku dhiirrado sidii uu u heli lahaa Dalal kala duwan oo Isla arrintaan u baahan balse aanay haysan dhaqaale ay ku fuliyaan mashaariicdaas horumarineed sida daraasadda lagu sheegay.

Maalgashiga Shiinaha ee Afrika waxa ay gaartay $33.5 Bilyan oo Doollar lixdii bil ee ugu horraysay sannadkaan 2026, waxyaabaha loo cuksanayo kororkaas waxaa kamid ah in Beijing ay xoogga saartay Macdanta muhiimka u ah in waxyaabo badan laga sameeyo ay ka heshay dalalka qaar ay mashaariicdaan gaarsiisay.

Dalalka maalgelintaan fursadda u helay waxaa kamid ah: Itoobiya, Masar, Morocco, Zambia, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Angola, Tanzania, Kenya & Nigeria. Halka ay jiraan Dalal kale oo ka fursado yar oo mashaariicda Shiinaha qaybta ka ah kuwaas oo horay u saxiixay BRI sida xogta lagu sheegay.

Liiska Dalalka aan fursadaha waa weyn helin waxaa ku jira Ghana, Rwanda, Zimbabwe, Koofurta Suudaan, Chad, Cape Verde & Soomaaliya oo qayb ka ah Dalalka mashruucaan saxiixay ay helayaan fursado isugu jira Biyaha, Caafimaadka, Beeraha & Xarumaha Bulshada inkasta oo ay ku jiraan qorshaha Beijng ee Maalgashiga Afrika.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

9 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

11 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

15 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

16 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

16 hours ago

Soomaaliya oo Itoobiya uga tacsiyaysay Dadkii ku dhintay Roobka ka da’ay Gobolka Amxaarada

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…

16 hours ago