GUDAHA/wararka

Daraawiishta Puntland & PSF oo ku dagaalamaya Gaalkacyo

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Puntland iyo Kuwa PSF ee Federaalka hoostaga ayaa ka socda Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, waxaana warar hordhac ah laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku dhaawacmay madaafiicda iyo rasaasta ay is dhaafsanayaan labada ciidan, waxaana barakacay qoysaskii ku sugnaa inta badan Bariga Magaalada Gaalkacyo sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo deegaanka ah.

Dagaalka kahor waxaa taagnayd saansaan colaad & dhaqdhaqaaq iska soo horjeeda oo ay kala sameeyeen labada Ciidan, waxaana saacadihii lasoo dhaafay barakacay qoysas qaarkood casri ka muujiyay saansaantaas colaadeed.

Maamulka Puntland ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay hurinayso colaadda Bariga Gobolka Mudug, waxa uu maamulkaas sheegay in aanay suuragal noqon doonin in ciidamadaasi u gudbaan gudaha Magaaladaas.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

10 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

12 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

16 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

17 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

17 hours ago

Soomaaliya oo Itoobiya uga tacsiyaysay Dadkii ku dhintay Roobka ka da’ay Gobolka Amxaarada

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…

17 hours ago