Madaxweynihii 41aad ee Mareykanka oo geeriyooday

George Herbert Walker Bush Madaxweynihii 41aad ee Mareykanka ayaa geeriyooday subaxnimadii hore ee maanta, Waxaa uu ku geeriyooday da’da 94aad,geeridiisa waxaa saaka xaqiijiyay xubnaha qoyskiisa oo uu ugu horreeyo Wiilkiisa George Walker Bush madaxweynihii 43aad ee Mareykanka.

Waxaa uu 1980kii Madaxweyne ku xigeen u noqday Ronald Reagan, waxaa uu sidoo kale soo noqday agaasimaha C.I.A-da Mareykanka.

Waxyaabaha lagu xusuusto waxaa ka mid ah xiriirkii uu la sameeyay Midowgii Soviet-ka iyo weerarkii uu ku qaaday Saddam Xuseen ee uu kaga saaray Kuwait.

20 Sano ayuu degganaa aqalka cad, afar Sano isagaa Madaxweyne ahaa, 8 Sano waxaa uu ahaa Madaxweyne ku xigeen, iyo 8 Sano oo uu Madaxweyne ahaa wiilkiisa George W. Bush.

Todobaadyadii ugu dambeeyey ee xilkiisii madaxaweyne ayuu saxiixay in faragelin Milateri lagu sameeya dhibaatadii macluusha iyo gaajada lahayd ee xilligaas ka taagnayd Soomaaliya kaddib dagaalkii qararaa ee dhexmaray Jabhadihii riday xukunkii kelitaliska ahaa ee kacaanka, waxa uu amray in 28000 oo ciidan loo diro Muqdisho

Madaxweyne George Herbert Walker Bush oo Salaamaya gabar Soomaaliyeed iyo Carruurteeda kaddib booqasho uu ugu tegey ciidankii Mareykanka ee Lagu magacaabay Rajo soo celinta Januray-1992

January-2-1993 ayuu booqasho ku tegey Soomaaliya, waxa uu booqday Muqdisho iyo Baydhaba, waxaana xilka uga dambeeyey Bill Clinton oo 1994 saxiixay qaraar ciidanka Mareykanka looga saarayo Soomaaliya kaddib dagaal sababay in ay dhintaan inta la og yahay 18 Askari oo mareykan ah iyo tiro aad u badan oo Soomaali ah.

Muuqaalkan hoose waxa daabacay CBS News

Mustaqbal Radio

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

10 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

13 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

14 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

15 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

15 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

15 hours ago