Koox xiriir la leh Al-shabab oo hanjabaad ku xirtay safaaraddii Mareykanka ee Dalka Congo.

Safaaradda Mareykanka eek u taalla Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa xiran muddo todobaad ah kaddib markii ay hanjabaad uga timid koox la baxday ADF.

Wasiirka arrimaha dibadda DRC Leonard She Okitundu, ayaa sheegay in hanjabaad ay heleen ay tahay mid sax ah islamarkaana loo qaatay si dhab ah,taas oo sababtay in la xiro safaaradda lana fasaxo shaqaalaha.

Waxaa uu kulan la qaatay kaaliye ku xigeenka  wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee Afrika, Elizabeth Fitzsimmons,waxaana ay si wadajir ah u ballan qaadeen in ay uga hortagayaan qatarta soo wajahday.

Kooxda ADF ayey Dowladaha Congo iyo Uganda ku eedeeyeen in ay xiriir toos ah la leedahay Al-shabab oo ka dagaallanka Kenya iyo Soomaaliya.

Guddi ka tirsan Qaramada Midoobey oo baaris ku sameeyay xiriirkaas ayaa sheegay in muddo dheer ay ku qaadatay xiriirka ADF iyo Al-shabab.

Laakiin Hay’ad cilmi baariseed oo ka dhisan Congo ayaa xaqiijisay in xiriir wanaasgan uu ka dhaxeyo Daacish iyo ADF, sidoo kalena ay xiriir la leedahay Ururro ka dagaallanak Tanzania iyo geeska Afrika intiisa kale.

Mac-hadka cilmi baarista ee Bridgeway Foundation, ayaa xaqiijiyay in ADF ay ciidamo ajannabi ah u dagaallamaan kuwaas oo ka yimid Afrika iyo meelo kale baxsan.

Isha: Africanews

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

11 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

14 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

15 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

16 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

16 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

16 hours ago