Gudoomiye ku xigeenka Mahadaay oo Rajo Xumo ka muujiyay Dacwad uu ka gudbiyay Gudoomiyihiisa.

Cabdullaahi Abuukarey Afarow Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maareynta Degmada Mahadaay oo la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in Gudoomiyaha Mahadaay uu sameeyay Musuq-maasuq.

Isbada mareynta waxa uu tilmaamay in uu ku sameeyay Lacagaha canshuuraha ah, mid loogu talagalay dadkii Abaarta saameysay oo gaareysa $40 kun oo oo doolar iyo tan qoondada ee loogu talagalay Mas’uuliyiinta Maamulka iyo shaqaalahooda.

Cabdullaahi ayaa sheegay in bishii 5-aad ee sanadkaan wixii ka dambeeyay aan arag lacagaha Qoondada ah, waxa uuna ku sababeeyay in Gudoomiyaha uu qaatay, maadaama Wasaaradda Maaliyadda Hir-Shabeelle ay isaga usoo dhiibtay.

Dhanka kale waxa uu sheegay Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maareynta Degmada Mahadaay Cabdullaahi Abuukarey in Dacwad ka dhan ah Gudoomiye Axmed uu u gudbiyay Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe, Wasaaradda Maaliyadda Hir-Shabeelle iyo Xildhibaanada kasoo jeeda Degmada.

Maanta oo ku beegan 1-da Desembar ayuu tilmaamay in uu sugayo Jawaabta Maamulka Hir-Shabeelle, balse waxa uu rajo xumo ka muujiyay in uu helo Warcelin uu ku qanco.

Sababta waxa uu ku sheegay in mas’uuliyiinta Maamulka Degmada uu isbadal ku sameeyay, Wasiirka Arrimaha Gudaha Caadle waxa uu ka dalbaday in uu faragelin ku sameeyo si lamid ah Maamulkii Gobolka Hiiraan iyo Degmada Baladweyne.

Isqab-qabsiga dhanka maamulka ah ayaa ka taagaan Degmada Mahadaay, dadka deegaanka waxa ay ku sheegeen in is maandhaafka uu isku badalay in mas’uuliyiinta ay la kala saftaan shaqsiyaad ehelkood ah.

Ma jirto Jawaab kasoo baxay Gudoomiyaha Degmada Mahadaay ee dhaliisha loo jeediyay, waan idiin soo gudbin doonaa hadii aynu helno si uu ugu warceliyo eeddan ka dhanka ah.

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

5 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

9 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

9 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

10 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

11 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

11 hours ago