12-kii Oktoober sanadkii 1954-tii ayaa la hindisay Calanka Soomaaliya oo Midibkiisu yahay Buluug Cirka oo kale, dhexda laga dhigay Xidigta Shanta gees oo ka tarjumeysa Shanta Soomaaliweyn ee uu Gumeystaha u qaybiyay.
Waxaa alifay Calanka Soomaaliya AUN Maxamed Cawaale Liibaan oo Xubin ka ahaa Xisbigii Xornimo doonka ahaa ee Dhalinyaradii SYL.
Xiligaas waxaa soo dhoweyd Neecawda Xornimada Soomaaliya oo Alifidda Calanka ka dambeysay 6-sano.
Sida ka muuqato Heesta Calanka oo uu ku luuqeeyay AUN Cabdullaahi Qorshe oo ay Ereyadeeda kamid ahaayeen:-
QOLOBO CALANKEEDU WAA CEYNOO..
INNAGANA KEENU WAA CIRKOO KALE ..
OO AAN CAAD LAHEEHEEN EE CAASHAQAYE.
Xidigta ayaa u kala taagan Waqooyi oo ay Gumeysanayeen Ingiriis, Koofur oo Talyaaniga Heystay, Jabuuti oo Faransiiska Isticmaarsanayay, Dhulka Soomaali Galbeed oo Itoobiya Heysato iyo Dhulka Soomaalida ee Kenya heysato.
Calanka ayaa kamid ah Astaamaha Dal lagu garto, waxaana AUN Maxamed Cawaale Liibaan uu ugu gol-lahaa in laga baxo Gumeystihii Dalka Ragaadiyay.
Waxaa Xiligaas hoos loo dhigay Calamadii Gumeystihii Ingiriiska iyo Talyaaniga oo Koofurta iyo Waqooyiga kala isticmaarsanayay.
Munaasabd Kooban oo lagu maamuusayay ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalay Xubno katirsan Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah Waayo joogii Xiligii lasoo banaan-bixinayay Calanka oo ka sheekeeyay Marxaladihii lasoo maray.
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…
Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…
Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…