Ra’iisul Wasaare Kheyre oo dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayay Saddexdii Cishe lasood dhaafay ku sugnaa Sacuudiga ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Kheyre ayaa Sacuudiga inta uu ku sugnaa kulamo kala duwan la qaatay Boqorka Sacuudiga iyo Wiilka uu dhalay ee Dhaxal sugaha ah, iyo Xubno kale oo katirsan Boqortooyada oo uu kamid yahay Wasiirka Arrimah Dibadda Sacuudiga.

Xubnaha ku wehliyay Safarkiisa waxaa kamid ah Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Warfaafinta Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo Daahir Maxamuud Geelle.

Shalay ayay wafdiga Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre soo Cimreesteen kahor inta aan soo gaba-gabeyn socdaalkooda.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa faah-faahiyay Waxyaabihii u soo hirgelay.

Wasiir Daahir ayaa sheegay in labada dal ay kawada hadleen Arrimo Muhiim ah, iyaga oo Hoosta ka xariiqay in Sacuudiga uu qayb qaato Howlaha Maaliyadda, Ammaanka iyo Xoojinta Xiriirka.

Waxa uu intaa ku daray in Sacuudiga ay Soomaaliya u ballanqaaday in ay ka gacansiin Doono Hormarinta Dhaqaalaha.

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa rajeeyay in uu Sii Xoogeysto Cilaaqaadka ka dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Talaadii Todobaadkaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa soo caga dhigatay diyaarad gaar ah oo uu Wafdiga Kheyre u qaatay Sacuudiga

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

1 hour ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

5 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

5 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

6 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

6 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

7 hours ago