Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” ayaa ka qeyb galay shir ka Ka dhacay xarunta Gen Kaahiye, kaasi oo looga hadlay dardar gelinta Shaqada iyo adkeynta Nabad gelyada.
Shirka ayaa waxaa ku sugnaa Taliye ku-xiggeenka Booliska S/guuto Zakia Ahmed, Madaxda hoggaanada iyo Saraakiisha Ciidanka, waxaana halkaasi heeso kala duwan kusoo bandhigay Hobolada Kooxda Heegan.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” oo shirka ka hadlay ayaa Ciidanka Booliska ku ammaanay dadaalka ay ugu jiraan adkeynta Nabad geliyada, isaggoo xusay in Ciidanka Booliska uu hiigsanayo horumar ballaaran, islamarkaana qorshaha Taliska uu yahay in Shacabka Soomaaliyeed ay u jeexaan taariikh cusub oo waxtar leh.
S/Gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa faray Saraakiisha Ciidanka Booliska inay dardar geliyaan shaqada ay u hayaan Bulshadda Soomaaliyeed.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…