Maxkamadda Al Shabaab ee ku taalla degmada Saakow ayaa gelinkii dambe ee maanta xukun dil ah ku fulisay Shan nin oo lagu eedeeyay in ay basaasiin ahaayeen.
Dadweyne la isugu keenay fagaare ku yaalla degmada Saakow ayaa daawanayay qisaasta lagu fuliyay raggan oo lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen sirdoonada Kenya iyo dowladda federaalka Soomaaliya.
Qaadiga Maxkamadda Al-Shabaab ayaa sheegay in raggaan ay qirteen falka lagu soo eedeeyay, islamarkaana xukunkooda uu noqday dil.
Saraakiisha Al Shabaab ee goobta ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in sidan loo tooganayo qof walba oo basaas u noqda hay’adaha sirdoonka reer galbeedka.
Xubnaha la toogtay ayaa Shabaab waxa ay magacyadooda ku kala sheegeen:-
1-Cabdi Raxmaan Xuseen Maxamed
2-Haaruun Cabdi Raxmaan Cumar
3-Caliyoow Jiinoow Nuur
4-Maxamed Yuunus Mad Keer
5-Cabdi Shakuur Xasan Xuseen.
Maalin ka hor ayay aheyd markii sidaan oo kale Al Shabaab ay magaalada Jilib ku dishay illaa 5 ruux oo ay ku eedeysay in ay u basaasayeen sirdoonnada dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…